Maxaa ka jira in dhowaan dib loo howlgalin doono shirkaddii diyaaradaha ee Somali Airlines?

Maxaa ka jira in dhowaan dib loo howlgalin doono shirkaddii diyaaradaha ee Somali Airlines?

Muqdisho (Raxanreeb Online) Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay in dowladdu ay dhowaan dib u hawlgelin doonto shirkaddii diyaaradaha ee Somali Airlines.

Tallaabadan oo soo afjaraysa in ka badan soddon sano oo ay hawada ka maqneyd astaantii qaran ee duulista, ayaa dib u soo celinaysa rajada shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasiir Faarax ayaa hoosta ka xariiqay inuu jiro dardar xooggan iyo u diyaargarow qaran oo ku aaddan soo nooleynta shirkadda, isagoo sheegay in dowladdu ay meel geba-gebo ah marinayso qorshayaashii hawlgalka.

Ugu dambeyn wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, ayaa rajo weyn ka muujiyay in Somali Airlines ay duulimaadyadeeda dib u billaabi doonto ka hor dhammaadka sanadka 2025-ka, oo toddobaadyo un ay ka hareen, isagoo sidoo kale daaha ka rogay in afar shirkadood oo caalami ah ay dhowaan kusoo biiri doonaan duulimaadyada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.