Maxaa sababay iska hor-imaadka saakay ka dhacay degmada Jalalaqsi ?

Jalalaqsi ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, ayaa ku waramaya in saakay iska hor-imaad khasaaro sababay uu ka dhacay gudaha degmadaasi.

Wararka ayaa waxa intaas ku darayaan in iska hor-imaadka uu sababay kaddib markii xalay la xiray nabadoon caan ka ahaa deegaanka, kaasi oo ay xireen maamulka degmada.

Goob jogayaal ayaa sheegay in iska hor-imaadka uu u dhaxeeyay maleeshiyo ka careeysan xarigga nabadoonka iyo ciidanka amniga. Sidoo kale waxaa jiray khasaaro kala duwan oo ka dhashay shaqaaqada ka dhacday degmada.

Weli maamulka degmada Jalalaqsi kama uusan hadlin xarigga nabadoonka iyo waxa sababay, mana jirto ilaa iyo hadda war kasoo baxay maamulka oo ku aadan iska hor-imaadka ka dhacay degmada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.