Maxay ka wada-hadleen DENI & Charles Mballa ?

Maxay ka wada-hadleen DENI & Charles Mballa ?

Garoowe (Raxanreeb )- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobey ee arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ee Soomaaliya, Charles Mballa iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta  wadashaqeynta Dowladda Puntland iyo Hay’adda UNHCR iyo sidii xal waara looga gaari lahaa Qaxootiga , Barakacayaasha iyo magangalya doonka.

Waxaa Kulanka kala qeybgalay Madaxweynaha, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.