Maxey kawada hadleyn Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya iyo guddiga dib  u-eegista dastuurka dalka ?

Muqdisho (Raxanreeb Online) Guddoonka labada aqalka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa la kulmay guddiga labada aqal ee u xil saaran dib u-eegista dastuurka, iyaga oo labada dhinac kulankooda uga hadleen cutubka 9-aad.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare Cali Shacbaan Ibraahim, Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare Cabdullaahi Xirsi Timacadde ayaa warbixin ka dhageystay guddiyada u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka.

Sidoo kale guddiyada ayaa guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ku wareejiyeen Soojeedimaha Wax-kabdeedelka Cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka, iyo jadwaleynta Dooda soo jeedimaha.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa horay ugu codeeyay dib u-eegis lagu sameeyay cutubyo kamid ah dastuurka dalka, kaddib markii doodo adag ka yesheen xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.