Maxey kawada hadleyn wasiir dowlaha Gaashaandhigga ee XFS iyo guddoomiye Shuute ?

Maxey kawada hadleyn wasiir dowlaha Gaashaandhigga ee XFS iyo guddoomiye Shuute ?

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa shir-guddoomiyay kulan wada-tashi ah oo ku saabsan Hindise-Sharciyeedka Difaaca Qaranka, kaas oo uu la yeeshay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidanka Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Shuute.

Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda iyo xeeldheerayaasha gacanta ku haya hindise-sharciyeedka. Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray talooyin wax-ku-ool ah oo uu soo jeediyay Guddoomiye Shuute, kuwaas oo lagu dari doono dib-u-eegista qodobada sharciga.

Sidoo kale Hindise-Sharciyeedka Difaaca Qaranka ayaa maraya heerarkii ugu dambeeyay ee la-tashiga hay’adaha khuseeya, iyadoo ugu dambeyn la horgeyn doono Golaha Wasiirrada iyo Golaha Shacabka si loo ansixiyo

Leave a Reply

Your email address will not be published.