Muqdisho ( Raxanreeb Online) Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo afgarashadiisu aheyd (Maaxi iyo Yoonis) iyo Ibraahin Aadan Madeey oo horay dil loogu xukumay.
Labada xubnood oo katirsanaa Al-shabaab, ayaa maxkamadda ku heshay in ay dilal iyo weeraro ka geysteen magaalada Muqdisho, iyada oo maxkamadda horay u dhageystay dacwada ka dhanka ah xafiiska ilaalinta uu soo gudbiyay iyo qareenada difaacayay eedaha.
Goobta toogashada ka dhaceysay waxaa goob joog ka ahaa guddoonka maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida.
Sikastaba, maxkamadda ciidamada ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhisay fulinta xukunnada toogashada, iyada oo weli ay xiran yihiin rag qaarkood oo lagu xumay dil.

Leave a Reply