Fanaanka Safwan Halac oo shil gaari ku geeriyooday

Hargeysa (Raxanreeb Online) Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee Somaliland, ayaa sheegaya in fannaanka da’ada yar, Safwaan Xasan Aadan (Safwaan Halac) uu ku geeriyooday shil baabuur.

Mudasir Xasan Aadan, oo ay fannaanka walaalo ahaayeen, ayaa xaqiijiyay geerida isaga oo sheegay in shil gaari oo xalay abaaro saddexdii habeenimo ka dhacay jidka laba boqol ee Magaalada Hargeysa, uu ku geeriyooday Marxuumku.

Fannaanka ayaa imika Maydkiisu yaala Isbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, iyada oo uu socda qorshaha aaskiisu. Marxuumka ayaa saddexdii bilood ee u dambeeyey ku sugnaa Magaalada Hargeysa la dib markii uu ka soo noqday Dalka Jarmalka oo uu degnaa

Gaariga uu shilka ku galay ayaa la sheegay inuu isaga watay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.