Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari oo xukun dil ah ku fulisay gacan ku dhiigle Maxamed Abshir Muuse

Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari oo xukun dil ah ku fulisay gacan ku dhiigle Maxamed Abshir Muuse

Boosaaso (Raxanreeb online) – Waxaa saaka oo Sabti ah magaalada Boosaaso lagu qisaasay gacan ku dhiigle Maxamed Abshir Muuse oo lagu helay dilkii guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda jaamacadda Bariga Afrika.

Sidoo kale, qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Booliska Puntland ayay ku sheegeen in Saaka oo Sabti ah xukun dil ah lagu fuliyay Maxamed Abshir Muuse oo lagu helay dilkii guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda jaamacadda Bariga Afrika.

Dhanka kale, taliska Booliska ayaa sheegay in maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari ay magaalada Boosaaso ku qisaastay gacan ku dhiigle Maxamed Abshir Muuse oo horay 29 July 2024 Boosaaso ugu dilay guddoomiye ku xigeenkii maaliyadda Bariga Afrika marxuum Khaalid Cali Khaalid Aw Muuse.

“Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa maanta oo Sabti ah xukun dil ah ku fulisay gacan ku dhiigle Maxamed Abshir Muuse oo Magaalada Boosaaso horay ugu dilay 29-July-2024 Alle ha u naxariistee guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuse” ayaa lagu yiri warka Booliska.

Ugudambeyn, Ehelada iyo qoyska Khaalid Cali Khaalid, ayaa soo dhaweeysy xukunka dilka ah ee saakay lagu fuliyay ninkii horey u dilay Khaalid, waxa ayna caddeeyeen in ay heleen caddaalad kuna qanacsan yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.