Maxkamadda Gobolka Banaadir oo  u fariisatay markii labaad kiiska Abdalle Mumin

Muqdisho  (Muqdisho ) Muddo afar bilood ah ayuu xabsi ugu jiraa si aan sharci ahayn, hadane wuxuu u xiran yahay oo xabsiga dhigay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxa lagu haysto, ayaa ah shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo sida loola dhaqmay ay tahay inuu yahay shaqsi argagaxiso ah.

Ninka sidaa loo galay ee aan warbixintaan ugu hadleeno waa Wariye Cabdalle Axmed Muumin, kaas oo ah sidoo kale Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS.

Marka intaa laga soo tago Maxkamadda Gobolka Banaadir, ayaa maanta u fariisatay markii labaad dhageysiga kiis loo haysto Wariye ahna Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Cabdalle Axmed Muumin.

Sanadkii hore bishii October 21-keedii ayee ahayd markii lagu xiray Muqdisho Cabdalle Muumin, isagoo xiligaas qorsheenayay inuu u safro dalka dibeddiisa, iyadoo Maxkamadda ay maanta dhageysatay eeda loo haysto markii labaad oo ay ka mid tahay inuu jabiyay amaro ay soo saartay dowladda Soomaaliya oo la xiriira saxaafada iyo inuu dhiirigeliyay inuu kahor yimaado amarada dowliga ah.

Waxaa maxkamadda horteeda suaalo furan ku weydiiyay Wariyaha Ku-Xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir, balse isagu waa uu isdifaacay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.