XOG : Awoodda ”NISA” ee Gedo oo la dhimay & wada hadalo socda.

XOG : Awoodda ”NISA” ee Gedo oo la dhimay & wada hadalo socda.

Muqdisho  (Raxanreeb ) Magaalooyinka gobolka Gedo , todobaadkan waxa marti- galiyay , kulan xasaasi ah oo looga hadlayay xalka gobolkaas oo sanada badan ahaa mid xiriir la leh Dowladda Federaalka ama maamul goboleedka Jubbaland.

Degmooyinka gobolka Gedo masuuliyiinta ku sugan waxa ay kala taageersan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo , maamulka Jubbaland ee Axmed Maxamed  Islaam Madoobe

Awoodaha is- barbar socda ee  maamulka  Gobolka Gedo , ee NISA iyo kan gobolka ayaa keenay , habsanaan xaga maamulka ah iyo inuu yaraado xiriirka gobolkaas uu la leeyahay  Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Siyaabo kala duwan ayaa gobolka Gedo looga celiyay madax kala taageersan labada dhinac , taas oo keentay in markii dambe uu bilowdo wada hadal lagu doonayo xalka gobolka Gedo.

Maalmo ka hor degmooyinka gobolka Gedo waxaa ka degay siyaasiin mug leh oo uu ka mid yahay Senator Fartaag iyo Cabdirashiid Janan , kuwaas oo ka soo galay gobolka Gedo dhanka magaalada Mandheera oo Olog la ah Degmadaa Beledxaaweo ee gobolka  Gedo.

In kastoo , kulamadaas ay abuureen jawi kale oo siyaasadeed hadana , waxa la leeyaya taas waxa ay soo daadejisay wada hadal dhaxmara Dowladda Federaalka iyo masuuliyiinta gobolka Gedo waxna laga qabto dhibaatada NISA ay ku hayso gobolkaas.

Xog RBC uu helayo ayaa sheegaya in wada- hadalkaas oo uu ku lug lahaa Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya  uu keenay gorgorton ku saabsan in meesha laga saaro awooda NISA mudada dheer ay ku lahayd siyaasadda gobolka Gedo.

Tani ayaa la aamisan yahay in meesha ay ka saari karto in gobolka Gedo ay ka degi waayaan sanado badan xubnaha ka fakar duwan maamulka markaas jira iyo kan Jubbaland ee hoggaaminayo Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Maadama ay soo baxayso in meesha laga saaray awoodaha NISA ee gobolka Gedo ayaa la saadaalinayaa in gobolka u jihaysto siyaasad cusub.

WQ. Hanad Ali Guled.

Leave a Reply

Your email address will not be published.