Maxkamadda ICC oo saari doono amar lagu soo xirayo madaxda Israel.

Maxkamadda ICC oo saari doono amar lagu soo xirayo madaxda Israel.

GAZA (Raxanreeb )- Madaxweynaha Israa’iil ayaa  ku booriyay xulafada Israel inay diidaan dadaallada loo adeegsanayo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee ka dhanka ah dagaalka Israel ay ka waddo Gaza, isagoo ka digay” halista ku wajahan dimoqraadiyadda meel kasta oo dunida ah.

Kulan uu magaalada Tel Aviv kula yeeshay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken, madaxweyne Isaac Herzog waxa uu ku nuuxnuuxsaday awoodda nidaamka sharci ee Israa’iil iyo ixtiraamka sharciga, waxaanu diiday baaritaan ay Maxkamadda ICC ku hayso hab-dhaqanka Israa’iil ee dhulka Falastiiniyiinta.

“In la isku dayo in Maxkamada Caalamiga ah ee Dambiyada loo adeegsado Israa’iil oo la dagaalameysa argagaxisada, waxay halis cad oo taagan ku tahay Dimuqraadiyada iyo dalalka xorta ah ee nabadda jecel ee raacaya qawaaniinta sharciga caalamiga ah,” ayuu u sheegay suxufiyiinta.

Hadalkiisa ayaa soo baxay iyadoo ay jiraan warar sheegaya in mas’uuliyiinta Israa’iil ay ka cabsi qabaan in maxkamadda fadhigeedu yahay magaalada Hague ay dhawaan soo saarto amarro lagu soo xirayo madaxda Israel qaarkood.

Leave a Reply

Your email address will not be published.