Beledwayne (Raxanreeb )- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya roobab xoogan oo ku dhawaad 5 saacadood oo xiriir ah ka da’ay Xalay gudaha iyo daafaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Roobka oo ahaa mid xooganaa ayaa sababay in laga barakaco xaafado ka tirsan magaalada Baledweyne, gaar ahaan laamaha Kutiimbo iyo Raadeerka oo ka mid ah Xaafada Kooshin, kadib markii ay kusoo rogmadeen daadad xoogan .
Qoysaska degan xaafadaha Kutiimbo iyo Raadeerka ayaa mar qura ku toosay biyo farabadan oo guryaha u soo galay, islamarkaana dhamaan alaabtii guriyaha u taalay sida Cunada, Jiifka iyo agabyadii kale ay biyaha ka qaadeeyn, hayeeshee biyaha ka badbaadsadeen Caruurtooda kaliya.
Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee nafeed ee la dhashay daadadkaan xoogan ee kusoo rogmaday Baledweyne, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka.
Si kastaba ha ahaate daadadkaan Xalay laga barakacay ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalmahan dadka reer Baledweyne ay ka cabsi qabeen in wabiga Shabeelle uu ku fataho xaafadaha magaalada, maadaama uu wabigu wado biyo farobadan.
Leave a Reply