Meeqo weerar ayay qaadeen ilaa iyo hadda Xuutiyiinta Yemen?

Meeqo weerar ayay qaadeen ilaa iyo hadda Xuutiyiinta Yemen?

Sanca (Raxanreeb) — Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa tan iyo bishii November weeraro ku qaadayay maraakiibta ku sugan badda cas, iyagoo in ka badan 100 weerar oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalo ku qaadeen maraakiib marayey marinka muhiimka ah ee Baabul-mandeb.

Kooxda fallaagada ah ee ay Iran taageerto ayaa ka talisa qeyb badan oo ka mid ah Yemen, iyagoo horay u sheegtay in weerarradooda ay ku wajahan yihiin maraakiibta ay leeyihiin dalalka xiriirka la leh Israa’iil, taasoo jawaab u ah dagaalka Qasa.

Weerarada ay ku qaadeen maraakiibta xamuulka ee badda cas ayaa keenay in shirkado badan oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn caalamka ay ku dhawaaqaan inay ka fogaan doonaan Marinka muhiimka ah ee Baabul-Mandeb. Saaka oo kaliya, shirkadda saliidda ee QatarEnergy ayaa ku dhawaaqday go’aankeeda ah in ay hakinayso maraakiibta soo mari jiray waddadaas, iyadoo hadda raadineysa xal kale.

Iyaga oo ka jawaabaya, xaaladda taagan ayaa Maraykanka iyo UK waxay bilaabeen duqeymo ay uga gol leeyihiin in lagu wiiqo awoodda militari ee Xuutiyiinta, iyagoo Jimcihii la soo dhaafay oo kaliya ku garaacay ku dhawaad 30 goobood oo ka tirsan dalka Yemen .

Bbc