QORSHE : NISA oo qaaday talaabooyin ka dhank ah Ganacsiga Muqdisho

QORSHE : NISA oo qaaday talaabooyin ka dhank ah Ganacsiga Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb )  Ciidamo ka tirsan Hay’adda  nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka NISA ayaa bilaabay in  baaritaano ay ku doonayaan in ay ku ogaadaan xogta shaqsiyaadka ganacsiga ku leh magaalada Muqdisho.

24kii saac ee la soo dhaafay waxaa xabsiga la dhigay xubno ka shaqaynayay shirkada Isgaarsiinta Hormuud kuwaas oo ciidanka NISA  ay ku qasbayeen in ay bixiyaan xogta shaqsiyaad ay doonayaan.

Hay’adda NISA ayaa maalmahan sidan oo kale waday howlgalada sidan oo kale ah oo lagu tilmaamay mid keeni  karta in ganacsiga caasimada uu noqdo mid loola cararo dalalka deriska ah.

Shirkada Hormuud war ay soo saartay ayay ku sheegtay   in  talaabada ay qaaday NISA gabi ahaanba ay baalmarsan tahay xeerarka isgaarsiinta Qaranka ee qeexaya ilaalinta xogta muwaadiniinta.

Dad badan oo ka falceliyay talaabada Hay’adda NISA ayaa sheegay in ay muuqayso in la doonayo in la caburiyo ganacsatada magaalada Muqdisho ku nool.

Dhanka saraakiisha NISA ma jiraan wax war ah oo ay ka soo saareen  weerarka ciidankeeda ay ku qaadeen xarumaha shirkada Hormuud ee magaalada Muqdisho iyo xariga  masuuliyiin ka tirsan shirkada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.