Milateriga Isra’iil oo weeraro cirka ah ku qaaday saldhigyada Milateri ee Xisbullah.

Milateriga Isra’iil oo weeraro cirka ah ku qaaday saldhigyada Milateri ee Xisbullah.

Lubnaan (Raxanreeb online) – Millateriga Israa’iil ayaa sheegay in diyaaradaheeda dagaalka ay duqeeyeen in ka badan boqol xarumood oo laga soo tuuro gantaallada kooxda xisbullah, kuwaas oo ku yaala Koonfurta waddanka Lubnaan.

Waxay sidoo kale sheegeen in ganaataallada qaar ay u diyarsanayeen in la rido.

Duqeymaha dhanka cirka ah ee ballaaran ayaa imanaya iyadoo wasiirka difaaca Israa’iil, Yoav Gallant, uu sheegay in qorsheyaasha dagaalka ee aagga xadka Israel iyo Lubnaan la ansixiyay.

Dhanka kale waxaa khubad hanjabaad ay ku dheehan tahay jeediyay hoggaamiyaha xisbulah xasan Nasrulah, kaas oo sheegay in weerrarkii Israa’iil ay fulisay uu ahaa mid saameyn badan ku yeeshay, balse waxaa uu sheegay in uu xaddidna khasaaraha uu geystay.

Xoghayaha difaaca Mareykanka, Lloyd Austin ayaa joojiyay socdaal uu ku tagi lahaa Israa’iil, sababo la xiriira inay jirto surtagalnimada iska horimaadyo weyn oo dhexmari kara Israa’iil iyo Xisbullah.

Ciidanka Israa’iil ayaa warsaxaafadeed ay baahiyeen ku sheegay inay weerarrayaan bartilmaameedyada ururka Xisbullah ee gudaha Lubnaan, tallaabo ay sheegeen inay ku wiiqayaan awoodda ciidan ee Xisbullah , iyagoo ujeeddada ku sheegay inay doonayaan aag nabdoon oo gudaha Lubnaan ah si ay ugu suuragasho dadka halka milyan ku dhow ee ka barakacay gobollada xadka la leh Lubnaan inay dib ugu soo celiyaan guryahooda.

Golaha ammaanka ee Israa’iil ayaa maalmo ka hor u ansixiyay Ra’iisul Wasaaraha Isra’iil, Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisa Difaaca, Yoav Gallant inay go’aan ka gaari karaan tallaabooyinka difaaca iyo weerarrada ee ka dhanka ah Xisbullah, oo ay ku jiraan tallaabooyin horseedi kara dagaal baaxad leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published.