Xildhibaanad Sareedo oo loo diiday in ay tagto degaankeeda sababo laxiriira khilaafka Villa Somalia & Koonfur Galbeed.

Muqdisho (Raxaanreeb online) – Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kana soo jeeda deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, ayaa saakay loo diiday in ay ka dhoofto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyada oo kusii jeeday magaalada Baydhabo.

Xildhibaannad Sareedo oo loo diiday in ay u dhoofto magaalada Baydhabo ayaa kamid ah kuwa si weyn u taageersan Madaxweyne Laftagareen, waxa ay sidoo kale xildhibaanadan kamid tahay mucaaradka ku kacsan Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdirashiid Jilley oo kamid ah xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed, ayaa ku eedeeyay Villa Soomaaliya in ay ka dambeysay in xildhibaannada loo diido in ay Baydhabo aadaan, waxa uuna tilmaamay in falkaasi Vlla Soomaaliya ku kacday tahay wax laga xumaado.

”Habdhaqanka xun ee uu ku dhaqmayo rajiimka Villa-Somalia waa wax aad loogu xumaado!Dowladnimada wuxuu moodaa guri kor ka xeran oo uu furahiisa heysto waxan si adag u cambaaraynayaa Xildhibaanada Qaran ee deegaan doorashadooda u socday ee saakay laga celiyay AirPort-ka muqdisho” ayuu yiri Xildhibaan Jiley.

Dhanka kale, Waxa uuna intaas raaciyay ”Dhaqamadaan waxey tilmaamayaan fashil, talo xumo iyo rafasho meesha ugu danbeysay. Rajiimka ma oga miyaa xasaanadda uu heeysto dadkii siiyay iney yihiin Xildhibaanada Qaranka sidoo kale sharuucda dalka lagu maaamulo iney yihiin dadkii dajiyay.!”

Sikastaba, tallaabadan xildhibaannada kasoo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed loogu diiday in ay ku aado magaalada Baydhabo, ayaa kusoo aadeysa xilli uu meel xun gaaray khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Laftagareen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.