Mucaaradka Jubbaland oo diiday guddiga doorashada kuna hanjabay doorasho ka dhacda Kismaayo.

Kismaayo (Raxanreeb online) – Mucaaradka dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan seyray guddiga doorashada maamulka Jubbaland ee dhawaan uu magacaabay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyagoo ku goodiyay in doorasho gaar ah ay ka dhici doonto magaalada Kismaayo, haddii la fulin waayo waxa ay rabaan.

Mucaaradku waxay ku murmeen awoodda Madoobe ee ah inuu guddi ka kooban 7 xubnood u magacaabo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha Jubbaland, iyagoo su’aal ka keenay dhex-dhexaadnimadooda ku aaddan maaraynta doorashooyinka soo socda ee madaxweynaha iyo baarlamaanka ee dabayaaqada 2024-ka.

Musharaxa mucaaradka C/llaahi Cali ayaa ku nuux nuuxsaday in Madoobe uu hareer maray hufnaantii loo baahnaa iyo wada tashi ballaaran.
“Mucaaridku waa in ay xaq u yeeshaan in ay soo magacaabaan in ka badan 50 boqolkiiba xubnaha guddiga si loo xaqiijiyo matalaad dheeli tiran,” ayuu yiri Cali. Madoobe ayaa gaashaanka u daruuray magacaabista xubnahan, isagoo sheegay inay la tashi la sameeyeen madaxweyne ku xigeenada Jubbaland.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ayaa cambaareysay magacaabista guddigan oo ay ku tilmaantay mid sharci darro ah, waxayna ku boorisay Madoobe inuu u hoggaansamo heshiisyadii Golaha wadatashiga Qaranka. Hannaanka NCC oo ay taageereen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda kale ee federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, ayaa ku baaqaya in la helo nidaam doorasho oo midaysan, oo loo dhan yahay, in bisha June 2025 la qabto doorashooyin heer deegaan iyo heer dowlad goboleed ah, iyadoo la qorsheeyay in doorashada baarlamaanka iyo tan madaxweynaha ay dhacdo bisha September.

Leave a Reply

Your email address will not be published.