Munaasabada sannad guuradii 82-aad ee Booliska oo ka socota Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, ayaa ku sugan Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ka socota Xarunta Janaraal Kaahiye ee Muqdisho.

Xarunta Tababarka Janaraal Kaahiye waxaa haatan ka socda munaasabadda xuska sanad-guuradii 82-aad ee aasaaska Ciidanka Booliska, waxaana goobta ku masuuliyiin kala duwan, Wasiirro, Xidhibaano, saraakiil ciidan, marti sharaf, wufuud heerar kala duwan ah.

Munaasabaddan oo ah mid xusuus taariikhi ah, ayaa si weyn loogu diyaargaroobay, iyadoo lagu muujinayo halgankii dadaalkii iyo horumarka uu soo maray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed tan iyo aasaaskii sanadkii 1943-kii.

Waxaa la filayaa in munaasabadda lagu soo bandhigo tababbarro ciidan, gaardisyo iyo dhoolatusyo ka tarjumaya kartida, anshaxa, iyo horumarka uu ciidanku ku tallaabsaday.

Xuskan heer qaran ah ayaa qeyb ka ah xoojinta xusuusta taariikhiga ah ee Booliiska iyo dhiirrigelinta dadaalka ay ugu jiraan sugidda amniga iyo kala dambeynta dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.