MUQDISHO : Dadwaynihii ugu badnaa oo isugu soo baxay si ay ula dareen qaybsadaan Falastiin

MUQDISHO : Dadwaynihii ugu badnaa oo isugu soo baxay si ay ula dareen qaybsadaan Falastiin

Muqdisho (Raxanreeb ) Maanta oo Jimca ah boqolaal dadwaynaha ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Muqdisho si ay u muujiyaan in ay garab taagan yihiin walaalala Falastiin.

Dadkan ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ahaa Yahuuda kuwaas oo duqeymo arxan darra ah ka gaysanaya dhulka barakaysan ee walaalaha Falastiin.

Sheekh Cabdul Xayi oo kamid Culimaddii halkaasi kula hadashay dadweynaha isku soo baxay ayaa waxa uu sheegay in banaanbaxan uu muujinayo gardarada Isreal ku hayso Muslimiinta Reer Falastiin.

Dadkii isugu soo baxay ayaa waddooyinka magaalada Muqdisho ku gubay calanka Yahuuda Isreal kuwaas taas oo qayb ka ahayd garab istaaga walaalaha Falastiin oo dhibaato ku jira.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalmo ka hor si adag u cambaareysay duqeymaha Israel, iyada oo ku baaqday xabad joojin shuruud la’aan ah, ayada oo Israel xasuusisay qawaaniinta caalamiga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.