Beledwayne ( Raxanreeb ) Wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay ganacsade caan ka ah magaaladaas.
Ganacsadahan ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Maxamuud Osoble waxaa ayaa waxaa dilkiisa ka danbeeyay koox hubaysan
Sida dadka deegaanka ay sheegayaan dilka ka dib kooxda hubaysan ayaa goobta isaga baxsaday waxyar ka dibna waxaa howlgal bilaabay ciidanka amniga.
lama sheegin sababta ka danbeysa dilka ganacsadahan mana jirto wax war ah oo maamulka degmada Hiiraan uu ka saaray dilkan.
Dhawr jeer ayaa sidan oo kale koox hubaysan waxay dilal uga gaysteen degmooyin ka mid ah maamulka Hirshabeelle.
Leave a Reply