Muqdisho (Raxanreeb )- Koox hubaysan degmada Shibis ee magaalada Muqdisho waxaa ay ku dileen xildhibaan hore ee heer maamul goboleed sida ay sheegeen , qaar ka mid ah dad goobjoogayaal ah.
Xildhibaankan lagu dilay Shibis ayaa ka tirsanaa Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaana kooxda dilka fulisay ay isaga baxsadeen goobta.
Sida ay sheegayaan dad halkaas ku sugan Hay’adaha ammaanka dowladda ayaa gaaray goobta dilka ka dhacay , kuwaas oo sameeyay howlgal ay ku baadi goobayaan shaqsiyaadkii ka danbeeyay dilka
kooxda Al Shabaab war ka soo baxay laguna baahiyay baraha internetka ay leeyihiin ayey ku sheegteen in iyagu ka dambeeyeen dilka Cali Cumar Gaab, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in ninkan soo noqday xildhibaan katirsan Koonfur Galbeed.
Dilalka qorsheysan ay fuliyaan kooxda Al Shabaab iyo kuwa ay geesanayaan askarta dowladda ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, shalay kaliya ayaana caasimadda waxaa ka dhacay inta la og yahay labo dil oo midkood askari dowladeed uu geestay
Leave a Reply