Muqdisho (Raxanreeb )-Garsoorka waa qeyb muhiim u ah Dowladnimada, waxaana lawada ogsoon yahay hadii garsoorku xumaado cadaaladana laga fogaado in ay xumaaneyso jiritaanka dowladnimada iyo amaanka.
Garsoorka Soomaaliya waxaa wali ka dhax jira cadaalad daro iyo dulmi baahsan, waxaana Maxkamadaha dalka qaarkood noqdeen kuwa ku shaqeeya laaluush kana fogaada cadaalada.
Cadaalada darrada waa waxa ugu wayn ee ay qabaan bulshada Soomaaliyeed kuwaas oo laga yaabo in garsoorka hortiisa lagu dulmiyay balse wali dhawraya in maalin uun ay helaan cadalaad si kasta iyo xaalad kasta labaduba.
Dad badan ayaa hadda qaba boogo badan oo ka soo gaaray garsoorka dalka isla markaana tabanaya cadaalad darro si uun loogu sameeyay , tabartuna dhigtay meel banaan oo aysan iyagu waxba ka qabin Karin.
Tabashada Garsoorka & cadaalad darrada waxay ahaayeen kuwo muddo dheer soo jiray maamulada is xig xigayna ma aysan qaadin talaabooyin ay ku hagaajinayaan Garsoorka dalka.
Hadda waxaa soo baxaya dhaliil loo jeedinayo Garsoorka waxaana jira dad badan oo qaba tabashada cadaalada darada kuwaas oo ku sheegaya in maalin uun ay heli doonaan cadaalad.
Waxaa ku gadaaman Garsoorka dalka ee hadda jira hubinti la’aan marka aad la sheekaysato dadka cadaalad darrada la soo kulmay kuwaas oo quus ka taagan sida hadda uu yahay garsoorka Soomaaliyeed.
Warbaahinta gudaha aya si maalinla ah waxaa loogu arki karaa dad shacab ah oo cabasho ka qaba hanaanka ay uu u shaqeeryo Garsoorka dalka waxase la is waydiinayaa mala joogi waqtigii wax laga qaban lahaa tabashada laga qabo Garsoorka.
Si kastaba in garsoorka uu noqdo mid wax badan laga bedelo waa mid qalbi dejin karta dad badan oo mar uun tababaya in ay helaan cadaalad oo lagu dulmiyay , awooda dowladnimo.
Leave a Reply