Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika iyo xog cusub oo laga helay

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika iyo xog cusub oo laga helay

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxyaan Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah oo gudaha dalkaas ku dilay muwaadin Soomaaliyeed, sidoo kalena boobay Goobo Ganacsi.

Kooxaha Burcadda ah ayaa weeraray Goobo Ganacsi oo kuyaalla Xaafadda New Brighton Ee hoostagta magaalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika, iyaga oo dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaaabi jiray Guuleed, halka ay boobeen Goobtii Ganacsi oo uu ka Shaqeeynayay.

Wariye Cumar Khabiir oo kamid ah Soomaalida kunool Goobta uu weerarka ka dhacay ayaa sheegay in Kooxaha Burcadda ah uu si dirqi ah kaga badbaaday Milkiilaha Goobta Ganacsi, isla markaana Gaadiid ay xoog kusoo wateen ay ku rarteen alaabtii taallay.

Ciidamo katirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay goobta uu weerarka ka dhacay, kuwaas oo sameeyay howlgallo baaritaano ah wallow aysan gacanta ku dhigin Kooxihii Burcadda ahaa.

Dalka Koonfur Afrika oo Soomaali aad u farabadan ay ku nool yihiin ayaa waxaa mararka qaar loo geystaa dil, dhaawac iyo in la boobo Hantidooda, iyada oo dowladda Koonfur Afrika aysan waxba ka qaban.

Leave a Reply

Your email address will not be published.