Moscow (Raxanreeb) — Madaxa kooxda Wagner, Yevgeny Prigozhin ayaa sheegay in farriintiisu u dambeysay ee uu soo dhigay barta Telegram in uu uga jawaabayey su’aalaha ugu muhiimsan ee dadku iska weydiinayeen talaabadiisii amar diidada ee uu Moscow ku aaday iyo dhacdooyinkii ay horseeday, iyo sida uu sheegay in oo saxo waxii “qalad loo fahmay”.
Laakiin waxuu ku guuldarreystay inuu ka jawaabo laba su’aalood oo muhiim ah – oo ku saabsan mustaqbalka Wagner iyo Prigozhin laftiisa, iyo wixii tanaasulaad ah haddii ay jiraan ee uu ka helay Kremlin-ka iyada oo qayb ka ah heshiiska lagu dejinayo xiisadda.
Madaxa Wagner wuxuu xusay doorka dhexdhexaadinta heshiiska hogaamiyaha Belarusia Alexander Lukashenko, kaasoo “soo bandhigay si loo helo habab ay Wagner u sii wadan karaan shaqadooda si sharci ah”.
Laakiin Prigozhin ma uusan bixin wax tafaasiil ah oo ku saabsan waxa tani dhab ahaantii macnaheedu noqon karto. Waxay u muuqataa in qaar ka mid ah shaqaalaha Wagner loo wareejinayo Belarus – Wargayska Ruushka ee Verstka ayaa sheegay in dhisme lagu bilaabay xeryo loogu talagalay kooxdan.
Waxaa sidoo kale jiray warar aan la hubin oo sheegaya in Wagner loo isticmaali karo weerar ka dhan ah Ukraine oo ka imanaya dhanka Belarus.