MW Xasan ‘’Ma diidani in Itoobiya ay isticmaasho baddeena laakiin…’’

MW Xasan ‘’Ma diidani in Itoobiya ay isticmaasho baddeena laakiin…’’

Muqdisho (Raxanreeb )- Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo  Isniin ah waxa uu markale ka hadlay , khilaafka Soomaaliya kala dhaxeeya ,  dalka Itoobiya oo ay deris yihiin  Soomaaliya.

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa sheegay in aysan marnaba diidanayn in Itoobiya ay adeegsato badda Soomaaliya hase ahaatee ay u soo marayso waddo qaldan oo aan sax ahayn.

“Waxaan Ummadda soomaaliyeed iyo caalamkaba u caddeynayaa, Itoobiya waxaan isku haysanaa qaabka sharci-daarada ah ee ay dooneyso in ay Baddeen kusoo gaarto, waxaan dooneynaa in ay Baddeenna ku timaado hab sharci ah, sida Yugaandha ay ku gaarto Badda Kenya iyo sidoo kale sida Itoobiya qudheedu ay ku gaarto Badda Jabuuti”.

Madaxwaynah Soomaaliya ayaa  hoosta ka xariiqay in damaca dowladda Itoobiya ay ku dooneyso qayb ka mid ah biyaha Soomaaliya uu yahay mid meesha ka saaraya iskaashiga iyo wax isdhaafsiga dowladaha, isla markaana wiiqaya Nabadda iyo Xasilloonida gobolka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.