MW Xasan oo furay Kalfadhiga 5aad ee BFS & Nuxurka khudbadiisa.

MW Xasan oo furay Kalfadhiga 5aad ee BFS & Nuxurka khudbadiisa.

Muqdisho (Raxanreeb )- Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah si rasmi ah u furay kala fadhiga 5aad ee Barlamaanka Soomaaliya.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa  Barlamaanka labadiisa aqal u jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay oo salka ku haysay arrimaha Itoobiya dagaalka Al- Shabaab ,  Itoobiya Dastuurka iyo qodobo kale

Waxa uu tilmaamay in qabyo-tirka Dastuurka Dalka uu xuquuq siinayo muwaadinka Soomaaliyeed sida in uu helo awood uu ku doorto qofka metali kara iyo haddii qudhiisa uu Musharrax yahay in isaga la dooran karo.

Madaxwaynaha waxa uu khudbadiisa sidoo kale ku soo hadal qaaday khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya.

“Todobaadkii lasoo dhaafay Walaalaha Turkiga ayaa gogol ay codsatay Itoobiya noogu yeertay balse nasiib darro waxba iskama baddelin mowqifkeedii, Cidda wax dulmineysa waa Itoobiya”  ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Inta ay socotay khudbada madaxwaynaha waxaa uu sheegay  in aysan jirin wax wada – hadal ah  oo u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al- Shabaab.

Intaa waxa uu raacayay  in aanay muuqan ama jirin sifo dhalin karta waxyaabo keeni kara in ay wadahadlaan sida uu uu hadalka u dhigay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.