MW Xasan Sheekh & ku noqoshadiisa Eritrea.

MW Xasan Sheekh & ku noqoshadiisa Eritrea.

Eritrea (Raxanreeb )- Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku tagay magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa markii ay ka degeen garoonka diyaaradaha ee Asmara waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha dalkaas Isaias Afwerki. 

Labada Madaxweyne ayaa yeelan doona kulan ay kaga wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale arrimo badan oo muhiim u ah iskaashiga labada dal.

Leave a Reply

Your email address will not be published.