MW Xasan Sheekh ” Ma jiro wada- hadal inoo dhaxeeya anaga [ DFS ] & AS “.

MW Xasan Sheekh ” Ma jiro wada- hadal inoo dhaxeeya anaga [ DFS ] & AS “.

Muqdisho ( Raxanreeb ) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in waqtigan aysan wax wada-hadal ah kula jirin kooxda AS.

Wuxuu Madaxweynaha sheegay in dowladdiisa aysan ka suurtoobin wada-hadal lala yeesha kooxda oo in ka badan 15 sanno dagaal kula jirta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

intaas waxa uu raaciyay Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud in ay dowladiisa sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto kooxda Al- Shabaab.

Hadalka Madaxwaynaha ayaa imaanaya iyadoo aad loo hadal hayo wada- hadal Doha ugu furmi doono Dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al- Shabaab .

Wada – hadaladan ayaa la sheegayay in muddo ahna in ay garwadeen ka tahay dowlada Qatar.

Leave a Reply

Your email address will not be published.