MW Xasan Sheekh oo shir Midowga Afrika ka jeediyay khudbad culus oo…

Addis Ababa (Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa ka hadlay amniga, dimuqraadiyeynta, midnimada Afrika iyo difaaca madaxbannaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in Soomaaliya ay sii wadi doonto xoojinta wada-shaqeynta Afrika, gaar ahaan ka shaqeynta isku-duwidda codka Afrika ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo uga mahadceliyay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika kalsoonida ay u muujiyeen Soomaaliya si ay uga mid noqoto Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika muddada 2026–2028.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iftiimiyey guusha doorashooyinka qof iyo cod ee ka qabsoomay Gobolka Banaadir, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo xoojinaysa dowlad-dhisidda, waxa uuna soo bandhigay diyaargarow lagu ballaarinayo hannaankan doorashada tooska ah.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay tallaabooyinka ay Israa’iil ku faragelisay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyay dalalka Afrika mowqifka iyo bayaanka mideysan ee ay ku diideen xadgudubyadaas.

Ugu danbayntii, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku booriyay dalalka Afrika inay sii xoojiyaan midnimada, wada-shaqeynta iyo xal-u-helidda dhibaatooyinka qaaradda, isagoo caddeeyay in madaxbannaanidu ay tahay tiirka iskaashiga iyo horumarka mustaqbalka qaaradda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.