Nabadoon lagu “dilay” Beledwayne & Jahwareer ka taagan magaalada.

Beledwayne ( Raxanreeb ) Wararka caawa Raxanreeb uu ka helayo magaalada Beledwayne ayaa sheegaya in halkaas koox hubaysan ay ku dileen mid ka mid ah nabadoonada magaalada.

Kooxahan  ayaa Bartamaha xaafada Nurxawaad ee Beledwayne ku dilay Nabadoon C/Dullaahi Hassan Cawaale toora toor oo laga yaqaano magaalada.

Dadweyne goobta ka dhawaa ayaa isku dayay in aysan baxsan kooxdii dilka geeysatay waxana ay isaga cabiyeen dadweynahii bambooyin Qaraxyo ah.

Dad goobta ku sugan ayaa RBC u sheegay in kooxdi dilka geysatay ayaana sidaas ku baxsatay.

Xalad Jahwareer ah ayaana iminka ka tagaan Xafadda Nuurxawaad ee magaalada Beledwayne.

Laamaha amniga magaalada wax faahfaahin ah kama soo bixin oo la xiriira nabadoonka caawa lagu toogtay magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.