Soomaali lagu waayay dhulgariirkii Turkey oo meydkoodii la helay

Soomaali lagu waayay dhulgariirkii  Turkey oo meydkoodii la helay

Ankara ( Raxanreeb ) Maydad hor leh oo dad Soomaaliyeed ah ayaa laga helay dhismayaasha hoostooda ee burburkii ka dhashay dhulgariirkii dhawaan ku dhuftay magaalooyin ka mid ah dalka Turky- ga.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Turkiga ayaa  xaqiijiyay in ay geeriyoodeen labo  Marxuum oo ka la ah Liiban osman Dirie iyo Abdulkadir ali mataan .

Guddiga Jaaliyadda ayaa sheegay in ay socdaan dadaalada kale ee loogu jiro dadka kale oo Soomaaliyeed oo soo gaartay in la waayay wixii ka danbeeyay dhulgariirkii ka dhacay Turky.

Labada qof ee Soomaaliga ah ayaa ka dhigan ilaa 7 qof oo ilaa iyo hadda la xaqiiyay in ay ku dhinteen dhulgariirkii ku dhuftay dalka Turky.

Magaalooyin badan oo dalka Turky waxaa ka socda talaabooyin lagu samatabixinayo dad aad u badan oo wali ku jira sida la rumaysan yahay burburka dhismayaaaha hoostooda ah.

Si kastaba Dhulgariirkii toddobaadkii hore ku dhuftay dalalka Syria iyo Turkey oo kumanaan qof ay ku dhinteen, ayaa sidoo kale gilgilay rajada siyaasadeed ee hoggaamiyayaasha Turkiga iyo Suuriya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.