NISA oo shaacisay duqeymo ka dhacay Galmudug iyo Hir-shabeelle lagu dilay xubno katirsan AS

NISA oo shaacisay duqeymo ka dhacay Galmudug iyo Hir-shabeelle lagu dilay xubno katirsan AS

Hiiraan ( Raxanreeb Online) Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa ka hadashay duqeymo cirka ah oo laga fuliyay gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, kuwaasi oo khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay hay’adda NISA, ayaa lagu sheegay in saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay deegaanada Tardo, Daarunimca iyo Nooleey, laga fuliyay weeraro cirka ah oo lagu dilay 11 katirsan Al-shabaab oo uu ku jiro sarkaal sare, laguna burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan.

Hay’adda ayaa qoraalkeeda ku xustay in horjooge Cabdullaahi Ganeey oo ilaa sanadkii 2009, door weyn kulahaa hoggaaminta dagaallada kooxda Al-shabaab lagu dilay duqeynta.

Hay’adda NISA, ayaa sheegtay in weerarka ay iska kaashadeen ciidanka NISA iyo saaxiibada Soomaaliya ka taageera duqeymaha cirka ah, ayna sii wadi doonaan howlgalka inta Al-shabaab dalka laga ciribtirayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.