Wasiirka amniga iyo Ergayga gaarka ah ee midowga Afrika oo kawada hadlay dagaalka kooxda AS

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Wafdiga, oo ay qayb ka ahaayeen saraakiil sare oo ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ayaa la yeeshay Wasiirka kulanka diiradda lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadda dalka, arrimaha amniga, iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Intii kulanka uu socday, Ergayga Midowga Afrika ayaa bogaadiyay dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku xoreyneyso deegaannada ay ku sugnaayeen kooxda Al-shabaab, gaar ahaan howlgallada guuleystay ee lagu xaqiijiyay amniga iyo xasilinta goobihii ugu dambeeyay ee laga saaray Argagixisada.

Ugu dambeyn wasiirka amniga gudaha Jeneraal Fartaag iyo Danjire EL Hadji, ayaa isku raacay in sare loo qaado howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda qaar kamid ah deegaannada iyo degmooyinka gobollada dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.