Olole muddo kordhin loogu sameenayo MD Deni oo socda iyo buuq taagan

Olole muddo kordhin loogu sameenayo MD Deni oo socda iyo buuq taagan

Garoowe (Raxanreeb)   Garoowe ee xarunta maamulka Puntland Wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in ay sii kordhayaan tirada xildhibaannada Puntland ee u ololaynaya in mudda kordhin loo sameeyo hay’adaha dowladda.

Sidoo kale, Xildhibaannada ka tirsan xisbiga Kaah uu hoggaamiyo madaxweyne Siciid Deni ayaa sida la xaqiijinayo muddooyinkii danbe Baarlamaanka ka dhex waday ololaha mudda kordhinta dowladda.

Dhanka kale, Mudanayaasha ku biiraya ololahan ayaa marba marka ka danbaysa sii kordhaya, kaddib markii sida la sheegay loo sameeyay ballan-qaadyo kala duwan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dhawaan la diyaarin doono mooshin lagu ansixinayo mudda kordhin laba sanno ah oo maamulka madaxweyne Deni loo sameeyo.

Ugudambeyntii, Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa la rumaysan yahay in uu gadaal ka taagan yahay arrintan, inkastoo uu hore u sheegay in doorashada lagu qabanayo wakhtigeeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.