Duqeyno culus oo ka dhacay deegaanka Ceel Lahelay

Duqeyno culus oo ka dhacay deegaanka Ceel Lahelay

Muqdisho (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraadayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn xoogan oo saaka aroortii hore diyaarado dagaal ay ka gaysteen qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya halkaas oo ay ka socdaan dagaallo.

Duqeynta ayaa waxaa si gaar ah loola beegsaday deegaanka Ceel-lahelay iyo agagaarkiisa oo ay shalay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo xubnaha Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta lagu garaacay goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al-Shabaab, balse ma cadda inta uu la’egyahay khasaaraha soo gaaray.

Mareykanka ayaa loo badinayaa inuu fuliyay howlgalkan, maadaama diyaaradihiisa ay dhanka hawada ka taageerayaan ciidamada huwanta ee la dagaalamaya Al-Shabaab.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah kasoo baxay Galmudug iyo dowladda dhexe oo ku aadan weerarkaas dhanka cirka ah ee lagu qaaday kooxda Al-Shabaab.

Duqeyntan lagu garaacay Ceel-la helay ayaa daba socoto dagaal culus oo shalay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ku dhex-maray deegaankan, kaas oo la’isku riiqmay, isla-markaana gaystay khasaare lixaad leh oo soo kala gaaray labada dhinac.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobollada dhexe.

Sidoo kale waxaa shalay weerar is-miidaamin ah oo lagu beegsaday madaxweyne Qoor Qoor iyo mas’uuliyiin kale uu ka dhacay deegaanka Laas-Gacamey ee gobolka Mudug.

Dagaalkii ugu cuslaa ayaa Shabaab hadda kaga furan Galmudug, ugu yaraan seddax jiho oo kala ah Ceel-lahelay, Xinlebi iyo Laas-gacamey ayey kala joogaan ciidamada dowladda, deegaanadaan iyo kuwo kaleba waxaa kooxda laga xoreeyey toddobaadkaan dhamaaday.