PUNTLAND : Guddiga Doorashada Madaxtinimada oo la magacaabay.

PUNTLAND : Guddiga Doorashada Madaxtinimada oo la magacaabay.

Garoowe (Raxanreeb ) Gudoonka Barlamaanka maamulka  Puntland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Guddiga doorashada  Madaxtinimada maamulkaas maalin ka dib markii la doortay Guddoomiyaha & ku xigeenka Barlamaanka.

War qoraal ah oo ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamanka  Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa lagu magacaabay Gudddiga Doorashada Madaxtinimada maamulka Puntland.

Guddiga oo ka kooban 7 Xubnood waxaa Guddoomiye looga dhigay Xildhibaan Cabdiweli Yuusuf Warsame oo hore Guddoomiyr ugu ahaa Guddigii Doorashada Guddoonka Baarlamanka.

Puntland ayaa hadda u jihaysatay doorashooyinka kala duwan ka dib markii in muddo ah uu soo jiitamayay khilaaf soo maray heerar kala duwan oo xitaa sababtay gacan ka hadal.

08- da Bisha Jounary ayaa loo balansan yahay in doorashada Madaxtinimada la qabto waxaana Puntland ka so socda Ololaha doorasho .

Leave a Reply

Your email address will not be published.