Dalalka Islaamka oo go’aano culus kasoo saaray heshiiska Itoobiya

Dalalka Islaamka oo go’aano culus kasoo saaray heshiiska Itoobiya

Jeddah (Raxanreeb) — Warsaxaafadeed culus oo kasoo baxay Ururka Iskaashiga Islaamka ee loo yaqaano OIC, isla markaana ay qayb ka tahay Dowladda Soomaaliya, ayaa waxaa looga hadlay heshiiskii is af garadka ah, ee muranka dhaliyay ee ay kowdii bishan Addis Ababa ku galeen Somaliland iyo Itoobiya.

Ururka OIC oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ku caddeeyay mowqifkooda sida ay u diidan yihiin is af-garadkii dhex maray maamulka Somaliland yo Itoobiya, kaas oo ay ka carootay Soomaaliya.

Xuseen Ibraahim Daaha, xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka OIC, ayaa sheegay in si cad ah, ay uga soo horjeedaan xadgudubka Itoobiya, ee ka dhanka ah, madax bannaanida badeed ee Soomaaliya.

“Waxaa naga go’an ixtiraamka madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha xubinta ka ah OIC si waafaqsan Axdiga Ururka Iskaashiga Islaamka iyo sharciga caalamiga ah,ka dib Heshiiska Isfahamka ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya iyo Somaliland,waana in la ilaaliyo lana ixtiraamo madax-bannaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed,si loo helo amniga, nabadda, iyo xasilloonida gobolka ah” ayuu yiri.

Arrintani ayaa noqoneysa tallaabo weyn guul Soomaaliya, usoo hoyatay iyo garab istaag toosan, taasoo ka dhan ah, Itoobiya damaceeda Badda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya, ayaa soo honeysa guulo waa weeyn iyo taageerada waddamada caalamka ugu waa weeyn, sida Midowga Yurub Midowga Afrika, Mareykanka Masar Qatar iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Sidoo kale IGAD oo ka hadashay arrintaan ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, saluugsan tahay walow aysan caddeeynin mowqifkooda saxda ah, ee loo arkayo inay Itoobiya u janjeeraan.

Tallaabooyinkan ayaa xoojinaya sida Soomaaliya, oo dhan uga soo horjeedo qaadashada Itoobiya ee Badda Soomaaliya.

Xiisaddan ayaa isku sii shareereysa cirka iyadoo waddamada ugu badan ee caalamka ay qabaan walaac xooggan Itoobiya iyo Soomaaliya.