Boosaaso (Raxanreeb )- Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ciidanka amniga ayaa ka wada howlgal ay ku doonayaan in ay ku sugaan amniga magaalada.
Howlgaladan ayaa salka ku haya ka dib falal amni darro oo ka dhacay xaafado ka mid ah magaalada Bosaaso ee gobolka Bari.
Saraakiisha amniga aya sheegay in howlgaladan ay yihiin kuwo lagu doonayo in wax lagaga qabto dhibaatooyin ka dhacay gudaha magaalada.
Shalay ciidanka ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysana ay sheegeen inuu ku lug lahaa dil magaalada Bosaaso loogu gaystay AUN guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuse.
Leave a Reply