PUNTLAND : Imaaraadka oo si buuxda ula wareegay dekadda Garacad.

PUNTLAND : Imaaraadka oo si buuxda ula wareegay dekadda Garacad.

Garoowe (Raxanreeb ) –Imaaraadka Carabta ayaa la wareegaya Dekedda ay Soomaalidu maalgashatay ee Garacad, sida ay xaqiijisay Shirkadda Wadaagsan ee gacanta ku haysa dekedda oo tilmaantay in ay wada-hadal kula jirto shirkad laga lee yahay dalka Imaaraadka, oo raadinaysaa maalgelinta dekedda.

Guddoomiyaha shirkadda Wadaagsan Warsame Axmed Shiddo oo hadal kooban warbaahinta siiyay ayaa sheegay:

“Waxaa noo socda wada-hadal iyo gorgortan ku saabsan maalgelinta dekedda Garacad, oo aan kula jirno shirkad laga lee yahay Abu Dhabi, kaasi oo wakhtiba wakhtiga ka danbeeya intii la isaga soo dhowaanayo”.

Mr. Shiddo ayaa meesha ka saaray in dowladda Puntland ay qayb ka tahay qorshaha wareejinta dekedda Garacad, waxaana uu sheegay in barnaamijkaasi ku kooban tahay keliya labada shirkadood ee wada-hadalku u socdo.

Imaaraadka Caranta ayaa hore gacanta ugu hayey dekedda Boosaaso oo dadweynuhu ay dowladda ku eedeeyaan in uu yar yahay waxqabadkeedu.

Leave a Reply

Your email address will not be published.