Garoowe (Raxanreeb )- Wararka Raxanreeb ay ka helayso magaalada Garoowe ee Puntland ayaa sheegaya in maanta oo Talaada ah uu ka dhacay xaafado ka mid ah magaaladaas.
Sida wararka ay sheegayaan Iska hor imaadka ayaa dhexmaray rag hubeysa kana dhashay is qabqabsi dhanka dhulka ah oo la isu qabsaday .
Waxa uu ka dhacay iska hor imaadkan ayaa ka dhacay aga-gaarka shirkadda Korontada NECSOM ee bariga magaalada caasimadda ah ee Garoowe
Khasare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay iska hor imaadkan oo saacado qaatay.
Ina la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay mid kalena waa uu ku dhaawacmay oo ka mid ah dhinacyada ku dagaalamay waqooyiga magaalada Garoowe .
Ciidanka Booliska Caasimadda ayaa dhankooda wada dadaalo lagu baajinayo arintaan, Nabadoono iyo waxgaradka Caasimadda ayaa dhankooda ku hawlan sidii loo soo af jari lahaa xiisaddan ka dhalatay dhulka la isku qabsaday.
Leave a Reply