XOG :  Axmed Madoobe & Xasan Sheekh oo arrimo dhaqaalle isku mari waayay.

XOG :  Axmed Madoobe & Xasan Sheekh oo arrimo dhaqaalle isku mari waayay.

Kismaayo (Raxanreeb )- Magaalada Mudisho ilaa iyo hadda waxaa soo gaaray madaxda maamul goboleedyada qaar marka laga  reebo Puntland iyo Jubbaland ee hoggaamiyaasha Saciid DENI iyo Axmed Madoobe.

Madaxda Maamul Gobaleedyada Koonfurgalbeed, Galmudug iyo Hirshabelle ayaa sugan magaalada Muqdisho waxaana la sugayaa Axmed Madoobe oo xogo dheeraad ah ka soo baxaya imaanashihiisa Muqdisho.

Shirka Maamul Gobaleedyada oo dib udhac ku yimid 20 bishaan ayuu qeyb ka ahaa Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe  madaxdii ka cudurdaaratay shirka si shirka u furmo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed  Madoobe iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isku fahmiwayay lacagta Ciidul Fitriga ee Sacuudiga uu ka soo qatay Xasan Sheekh Maxamuud oo u dalbday Axmed Madoobe.

Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka hor shirka dalbaday in la siiyo qeyb ka mid ah lacagtaasi si ciidamada maamulkaas oo muddo lix bilood ah mushaar qaadan usiiyo.

Laakin shirka inu imaado ayaa la hordhigay waa uuna ka cudur daaratay inuusan waqtigaa imaan karin sida ay sheegayaan xogaha la helayo.

Maamul goboleedka  Jubbaland ayaa wajahaya dhaqaalo xumo iyado ay dhawdahay  doorashadii maamulkaas oo ay ku gadaaman yihiin shaki badan oo keentay in siyaasiin badan ay afka furtaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.