Puntland |  Maxabiis ku jirtay xabsiga Gaalkacyo oo baxsay.

Puntland |  Maxabiis ku jirtay xabsiga Gaalkacyo oo baxsay.

Gaalkacyo (Raxanreeb )- 13- ka mid ah maleeshiyaadka  al-shabaab islamarkaana dil iyo xabsi daa’im ku kala xukunnaa ayaa  ka baxsaday xabsiga saldhiga waqooyiga Gaalkacyo.

laamaha ammaanka magaalada Gaalkacyo  ayaana ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan 9-kamid ahaa raggii baxsaday.

Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare oo war qoraal ah soo dhigey bartiisa Facebook-ga ayaa wax aad looga xumaado ku tilmaamay in gacan ku dhiigle 3 sano ka hor dil lagu xukumay, islamarkaana in toogasho lagu fuliyo keliyihi ay u dhimanayd uu xabsiga ka baxsaday.

Maxaabiis Al Shabaab katirsaneyd ayaa sidan oo kale sannado kahor uga baxsaday xabsi kuyaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamul goboleedka Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.