Puntland oo qaaday Talaabo kale oo ka caraysiisay DFS.

Puntland oo qaaday Talaabo kale oo ka caraysiisay DFS.

Adis Ababa (Raxanreeb )-  Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa gaaray xubno sar sare oo ka tirsan maamul goboleedka Puntland.

Wasiirka Duulista Hawada, Cabdillaahi Bile iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa si heer sare waxa waxa loogu sii dhaweeyay magaalada Addis Ababa,  ee dalka Itoobiya.

Weftigan Duulista Hawada ee Puntland ayaa la kulmay Wasiir-dowlaha Gaadiidka Itoobiya, Mr Dhenge Boru, Mareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Hawada ee dalkaas, Mr Getachew Mengistie iyo Madaxa shirkadda Ethiopian Airlines, Mesfin tasew Bekele.

Talaabadan ayaa la sheegayaa in ay tahay mid markale ay ka caraysiin karto Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo xiriirkooda aan wanaagsanayn Itoobiya.

Puntland  kor hore waxa ay iska diiday hadalka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya kaas oo ku saabsanaa in dalka ay ka baxaan diblamaasiyiinta Itoobiya ee ku sugan magaalada Garoowe.

Dowladda Soomaaliya oo wax ka bedeshay Dastuurka KMG ah ayaa keenay in uu sii xoogaysto khiaafka u dhaxeeya  labada ee Puntland iyo Dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.