Puntland oo u xilsaartay guddi ka hortaga cudurrada ka dhalan kara Fathaadda

Garowe (Raxanreeb) — Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawlad goboleedka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan ayaa magacaabay guddi maamulkaa Gobolka, degmada Qardho iyo Maamulka caafimaadka gobolka Karkaar kala shaqayn doona ka hortagga cudurrada ka dillaaca daadadka kaddib u magacaabay.

Guddiga ayaa ka kooban agaasimayaal iyo Saraakiil kale oo ka tirsan xarunta dhexe ee wasaaradda waxaana loogu talagalay inay qayb ka noqdaan sidii Bulshada looga xakamayn lahaa haddii cudurro dhashaan kaddib daadadkii ku soo rogmaday magaalada Qardho 22 Bishan October 2022.

Magaalada Qardho ee maamulka Puntland ayaa ku dhuftay fatahaad xooggan oo sababtay khasaare kala duwan oo ah dhimasho iyo dhaawac hanti daadadkii ku dhufteen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.