Halkuu marayaa dagaal beeleedka ka socda Gobolka Blue Nile Sudan ?

Khartoum (Raxanreeb ) In ka  badan 250 qof ayaa ku geeriyooday dagaal beeleed ka dhacay dalka Sudan halkaas oo ay isku hayaan laba ka mid ah qabiilada dalkaas.

Dagaal beeleedkan ayaa salka ku haya muran dhuleed oo u dhexeeya labada dhinac ee qabiilka Hausa iyo shucuubta Berta.

Hoggaamiyaha milateriga ee dalka Sudan ayaa xilkii ka qaaday taliyihii ciidanka ee ku sugnaa gobolka Blue Nile sabab la xiriirta – fashilka inuu  wax ka qabto dagaalkan .

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ahi, iska horimaadkan ay ku dhaawacmeen boqolaal kale, iyada oo ay ku barakaceen kumanaan qof oo ku noolaa degaankaas

Waxaa soconaya dadaalo ku aadan sidii loo hakin lahaa , xiisadahan ka jira

Xukuumadda oo la tacaalaysa arrintaas, ayaa haddana dhinaca kale waxaa mucaaradka dalkaasi ay ku baaqeen isu-soo baxyo dalkaas ka qabsooma.

Leave a Reply

Your email address will not be published.