Dagaal Beeleed  maalintii labaad ka socda Shabeellaha Dhex.

Walawayn (Raxanreeb ) Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal beeleed maalintii labaad la socda deegaanno hoos – yimaada degmada walawalayn ee Shabeellaha  Hoose.

Beelahan dagaalamaya ayaa isku haya , arrimo la xiriirta  lahaasho dhuil iyo daaqsiin sida ay ku warameen dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay.

Inta la xaqiijiyay ilaa iyo hadda waxaa ku geeriyooday dagaal beeleedlkan  sided qof oo ka mid ah dhinacyada – dagaalamay.

Dad badan oo tira ahaan ku dhaawacmay dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa in la dhigay isbitaalo ku yaala degmada Walawayn ee Shabeellaha Dhexe.

Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka  ayaa ku baaqay in si sharuud la’aan ah loo joojiyo dagaal beeleedka dhiiga ku daanaya ee socda degaanka.

Dhowr jeer ayaa degaano hoostaga degmada Walanweyn waxaa ka dhacay colaad Beeleedyo soo laab laabtay, iyada oo Maamulka Koonfur Galbeed ay ku guuldareystay xal ka gaarista colaadaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.