PUNTLAND oo xasaanadii ka qaatay xildhibaanada ku matalaya Federaalka.

PUNTLAND oo xasaanadii ka qaatay xildhibaanada ku matalaya Federaalka.

Garoowe (Raxanreeb )- Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay qaadi doonaan talaabo kale oo xigta oo la xiriirta khilaafka waqtigan adag kala dhaxeeya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa sheegay in aysan jirin cid ay matalaan xildhibaanada Barlamaanka ee deegaan doorashadooda ay tahay maamul goboleedka Puntland.

Arintan ayaa  Wasiirka Dirir u sababeeyay , aamusnaanta xildhibaanada laga soo doorto Puntland iyadoo uu sii kordhayo khilaafka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

“Qofka meesha lagasoo doortay mucaarad ku noqday, xagguu joogayaa? Waa inay ogaadaan in aanay xasaanad lahayn, haddii ay dafireen degaankii lagasoo doortay ‘’ ayuu u sheegay saxaafada wasiirka warfaafinta Puntland.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in xildhibaannada laga soo doortay deegaannada Puntland ay mucaarad ku noqdeen maamulkii ay kasoo jeedeen, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa aad u dhaliilay  hab dhaqanka xildhibaanada Barlamaanka ee ka soo jeedo deegaanada maamul goboleedka Puntland kuwaas oo aan wax dareen ah ku haynin  khilaafka sii kordhaya ee Puntland iyo dowladda dhexe.

Maamul goboleedka Puntland ayaa hore  ugu dhawaaqay inay gebi ahaan kalsoondii kala noqotay dowladda dhexe, sababo la xiriira wax ka beddealka dastuurka KMG ah

Leave a Reply

Your email address will not be published.