Erdogan “Netanyahu  waa qas wade u baahan in la qabto’’

Erdogan “Netanyahu  waa qas wade u baahan in la qabto’’

Istanbul (Raxanreeb )- Madaxwaynaha Turky Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dhibaatada ka jirta bariga dhexe uu masuul ka yahay Ra’iisulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

Erdogan waxa uu ku eedayayNetanyahu inuu yahay shaqsiga waqtigan hormuudka ka ah dhibaatada ka  taagan Bariga dhexe si taas loogu gudbna waxa uu sheegay in ay  tahay in la qabto Netanyahu.

Recep ayaa tilmaamay in Israaiil ay xasuuq ka gaysatay Magaalada Gaza iyo deegaanno kale oo Dhulka Falastiin ah sidoo kale ay weerarro gardarro ah oo ay ka fulisay Dalal kale kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

“Israaiil waxa ay isku dayaysaa hurinta colaadda Gobolka, waxa ay weerartay Safaaradda Iiraan ee Dimishiq waana dacdadii ugu dambaysay, Netanyahu ayaa mas’uul ka ah xiisadda ka taagan Bariga Dhexe” Ayuu yiri Recep Tayyip Erdogan Madaxweynaha Turkiga.

Dhamaynta xiisadda ka taagan Bariga Dhexe waxa uu fure uga dhigay in marka hore Israaiil ay joojiyo xasuuqa ay ka gaysanayso Dhulka Falastiin gaar ahaan Magaalada Gaza.

Israa’iil ayaa sii wada gumaadka ay ku – hayso dadka shacabka ah ee ku nool Marinka GAZA halkaas oo  iyo hadda ay ku dhibaataysan yihiin shacabka Falastiiniinta.

Hadalka Madaxwaynaha Turky ayaa imaanaya iyadoo aan wali lagu guulaysan in la dejiyo xiisada u dhaxeeya Israa’iil iyo Falastiin waxaana fashil u uku yimid dadaalo lagu doonayay in xal looga gaaro arintaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.