Puntland oo xukuntay rag iyo dumar Al-Shabaab ka tirsan

Puntland oo xukuntay rag iyo dumar Al-Shabaab ka tirsan

Boosaaso (Raxanreeb) — Maxkamadda ciidamada ee dowlad goboleedka Puntland, ayaa maanta xukuno kala duwan oo xabsi ah ku ridday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo lagu helay inay qaraxyada u kala gudbin jireen kooxdaasi.

Xukunnadan ayaa ka dhacay magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari, xubnaha la xukumay ayaa dhan 6 oo isugu jira rag iyo dumar.

Afar ka mid ah, eedeeysaneyaaaha ayaa lagu xukumay min 10 sanno oo toos ah, kuwaas oo lagu kala magacaabo, Cabdirisaaq Maxamed Shire, Saciid Faarax Cabdiqaadir, Farxaan Wayrax Lixaad, iyo Cabdiqani Cali Faarax.

Maxkamadda ayaa sidoo kalena 5 sanno oo xabsi ah ku xukuntay Raxmo Weydow Cabdi, iyo Shamso Cali Isaaq, oo iyagana lagu helay la shaqeynta ragga la xukumay.

Xubnahan ayaa laga helay caddeeymo qiraal ah, sida ay maxkamadda soo bandhigtay maanta.

Puntland, ayaa horet usoo bandhigtay xubno ka tirsanaa kooxaha Al-Shabaab, iyo Daacish kuwaas oo qaarkood dil toogasho maxkamadda ku xukuntay ugu danbeyna la toogtay.

Xukunka maanta ayaa kusoo aadaya xilli dhowaan magaalada Boosaaso ay amnigeeda faraha ka baxay iyadoo uu ka dhacayay qaraxyo kala duwan oo dhowr jeer ahaa, kaas oo ciidamada lagu eedeenayay in ay ku fashilmeen amniga magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.