PUNTLAND & UK oo ka wada-hadlay khilaafka Dastuurka.

PUNTLAND & UK oo ka wada-hadlay khilaafka Dastuurka.

Garoowe (Raxanreeb )- Safiirka Dowladda  UK ee Soomaaliya, ayaa  safar uu ku tagay deegaanada maamul goboleedka Puntland halkaas oo uu kala kulmay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo uu kala hadlay arrimo dhawr ah.

Qodobada diirada lagu saaray waxaa qayb ka ahaa kulankaas  Iskaashiga ama wada shaqeynta Puntland & UK, sidii kor loogu qaadi lahaa.

Inta uu kulanka socday waxaa lagu soo hadal qaaday khlaafka arrimaha Dastuurka ee xilligan taagan iyo sida ay tahay in loogu gudbo.

“Iyagoo xoogga saaraya muhiimadda wadahadalka, labada dhinac waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in laga wada hadlo arrimaha muhiimka ah sida dib u habeynta dastuurka,” ayaa lagu yiri qoraal lagu faafiyay bogga X ee safaaradda UK ee Soomaaliya.

Sida ay UK gacan uga geysan karto kobaca dhaqaalaha ee mandiqada Puntland, tan waxay qeyb ka ahayd dalabka Puntland  ee ah in mashaariicaha horumarinta gaar dhankooda loo siiyo, xili uusan xariir kala dhaxeynin Dowladda.

Puntland oo kasoo horjeedda wax ka beddelka dastuurka ayaa xiriirka u jartay dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay kalsoonidii kala noqotay dowladda federaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.